WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somaliya iyo Ingiriiska oo ka wada hadlay Arrimo muhiim

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya iyo habka iskaashiga labo geesoodka iyo siyaabaha looga horumarin karo dhinacyo kala duwan.

Intii kulanka lagu gudo jiray ayaa waxaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo siyaasad iyo amni la xiriiray, sidoo kale waxaa la looga wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac wada danaynayeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa Boqortooyada Midowday (UK) uga mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihin dowladda Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top