WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya ka tacsiyeeysay geeridii Abwaan Sooraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay geerida ku timid Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo ku geeriyooday Magaalada Burbo ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh ugu diray Eheladii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Sooraan.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelkiisii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo uu muddo dheer ka tirsanaa. Ilaahay ha u naxariisto Sooraan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Abwaan Sooraan Ismaaciil ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo ku dhacay, waxaana xanuunkii haayay uu ugu geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Burco oo uu ku jiray.

SOMALI NEWS

To Top