WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Majaajiliiste Sooraan oo u geeriyooday Cudurka COVID-19

Alle ha u naxariistee waxaa Magaalada Burco maanta ku geeriyooday Majaajiliiste Sooraan Ismaaciil Sugulle.

Abwaan Sooraan Ismaaciil ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo ku dhacay, waxaana xanuunkii haayay uu ugu geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Burco oo uu ku jiray.

Sooraan wuxuu caan ku ahaa sheekooyin ay inta badan isla soo jili jireen Abwaan Jawaan oo ay saaxiibo ahaayeen.

In muddo ah ayuu abwaanku xanuunsanaa, waxaana dhowr jeer oo hore si been abuur ah loo shaaciyay inuu dhintay.

SOMALI NEWS

To Top