WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Askari ka tirsan Xuutiyiinta oo dilay Muwaadin Soomaali ah oo la qabtay

Hadal ka soo baxay Saldhiga Boliska ee May 22 ee Mandiqada Galbeedka magaalladda Sanca ee dalka Yeman ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay Gacan-ku-dhiiglihii sida xaq-darada u dilay Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Ibraahim Cali Faarax Muuse oo 36-jir ahaa.

Gacan-ku-dhiiglaha la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Khaalid C/Baasid Yaxya Naasir Al-Jayifi waa 32-jir, kaasi oo la xaqiijiyey inuu Marxuumka ku dhufatay 4 xabbo oo rasaasta Qoriga AK 47 ee uu Gacan-ku-dhiigluhu garaarnaa. 

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Maamulka Kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haysa Magaalladda Sanca ay dilka Muwaadinka Soomaaliyeed kadib ay gawaari lagu xiray Samatar Said Salahacado waa weyn ku naadinayeen in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglaha oo baxsad ahaa. 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Boliska Xuutiyiinta waxay ugu dambayntii ku guuleysteen in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglaha, kaasi oo dhawaan la soo taagi doono Maxkamad hoos tagta Maamulka Xuutiyiinta.

SOMALI NEWS

To Top