WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Rag hubeysan oo nafta u keenay shacabka Muqdisho oo la qabtay

Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo qorsheysan oo laamaha amniga dowladda Federaalka ay habeenadii lasoo dhaafay ka sameeyeen guadaha degmadaas.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Yaaqshiid Cabdifitaax oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laamaha amniga iyo kuwa maamulka howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen dhowr iyo tan rag burcad ah oo dadka dhac u geysan jiray.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa tilmaamay in burcada lasoo qabtay ay dad kasoo dhaceen Teleefoono gacanta, Mooto Bajaajyo iyo baabuur, isla markaana ay ku jiraan qaarkood burcada kuwo gudaha degmada ku dhex isticmaalayay maandooriyaha xashiishka iyo khamri.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARBIXINTA

SOMALI NEWS

To Top