WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaano

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Xoogga dalka ay saakay howlgal qorsheysan Al-shabaab ugala wareegeen deegaano dhowr ah.

Ciidamada Xoogga ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah War dhagax, Warciise, Gal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Gobolka, iyagoona tegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in Al-shabaab isaga baxeen deegaano ka tirsan Gobolkaas oo ay ku sugnaaeen, mana jiro faah faahin intaas ka badan oo howlgalka laga helay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu dhacay dagaal kooban.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo iskaashanaya ayaa horey Gobolka uga fuliyay howlgalo ka dhan ahaa Shabaab, waxaana xusid in dhinacyada ay dhexmareen dagaalo geystay khasaaro kala duwan.

SOMALI NEWS

To Top