WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo ka deyrisay xaaladda Bani’aadanimo ee Somalia

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabisan Arrimaha Soomaaliya James Swan oo shalay ka qeyb galay shir ay yeesheen Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay Xaaladda bani’aadannimada ee Soomaaliya.

James Swan ayaa waxaa uu sheegay inay weli aad u liidato Xaaladda Arrimaha Bani’aadannimada ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana dadka danta yar ay u baahan yihiin Gargaar.

Mr Swan ayaa tilmaamay in 19 boqolkiiba Qorshaha ka Jawaabidda Xaaladda Bani’aadannimada ee sanadka 2021 loo helay lacag, iyadoona in ka badan saddex-meelood meel dadku ay u baahanyihiin Gargaar.

“Iyadoo in ka badan saddex-meelood meel dadku waxaa ay u baahanyihiin gargaar, Kaliya 19 boqolkiiba Qorshaha ka-Jawaabidda xaaladda Bani’aadannimada ee sanadka 2021 ayaa ilaa iyo hadda lacag loo helay,,” ayuu yiri James Swan.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabisan Arrimaha Soomaaliya ayaa dowladdaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ka codsaday in ay bixiyaan tabarucaad dheeri ah oo lagu caawinayo dadka u baahan Gargaarka.

SOMALI NEWS

To Top