WARARKA SOOMAALI

Garabka Cabdi Xaashi oo qaadacay Heshiiska Doorashada ee la saxiixayo

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ku metela dowladda Federaalka garabka Cabdi Xaashi ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in aanay qayb ka ahayn xaflada xiritaanka Shirka wadatashiga ee go’aanka looga gaarayo arrimaha doorashada dalka.

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa ay cadeeyeen inay go’aan ka qaadan doonaan heshiiska doorashada ay ka wada gaareen Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, dibna kala soo wadaagi doonaan Shacabka.

Garabka Gudodomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa 5 xubnood laga siiyay guddiga doorashada xubnaha Gobolada woqooyi, halka 10 ka soo hartayna la siiyay garabka RW ku-xigeenka Mahdi Guuleed sida ku xusan war murtiyeedka Maanta la shaacin doono.

Labada garab oo maalmihii la soo dhaafay shir la iskugu keenay Magaalada Muqdisho ayaa ku heshiin waayey qeybsiga xubnaha guddiga doorashada Xildhibaanada gobolada woqooyi, waxaana markii dambe soo fara geliyey khilaafkooda RW Rooble.

Maanta ayaa la filayaa in lasoo saaro War-murtiyeedka Shirka maalmihii lasoo dhaafay looga hadlaayay doorashada dalka ka dhaceysa o Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa mamulada uga socday Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Garabka Cabdi Xaashi.

SOMALI NEWS

To Top