WARARKA SOOMAALI

Gudoomiyihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay Qaraxii ismiidaaminta ahaa-Video

Garoowe (HM)-Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’jir) oo caawa dhaawac culus ka soo gaadhay qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay afaafka hore ee saldhiga caasimadda Garoowe ayaa u dhintey dhaawacii ka soo gaadhay qaraxa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa xaqiijisay geeriday guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal iyadoo sidoo kale ay xaqiijiyeen dhakhaatiir ku sugan isbitaalka magaalada Garowe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaraxa ka dhacay xalay  magaalada Garowe ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo qaraxa ka hadlay ay sheegeen in baadhitaan lagu sameynayo cidii ka dambeysay weerarka.

Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galan-goolli) iyo qof shacab ah oo isna qaraxa ku dhaawacmay ayaa weli lagu daweynayaa isbitaalka magaalada Garowe.

 

SOMALI NEWS

To Top