WARARKA SOOMAALI

Bandow lagu soo rogay magaalooyinka Puntland-Akhriso

Garoowe (HM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni oo uu wehliyo Madaxweyne kuxigeenka Axmed Cilmi Karaash ayaa kulan la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga u qaabilsan ka hortagga Cudurka Coronavirus.

Kulankan ayaa labada Guddi waxay warbixin siiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka, waxaana ay uga warbixiyeen xaaladda guud ee Amniga Puntland iyo sida loogu diyaar garoobay ka hortagga cudurka Coronavirus oo adduunka oo dhan ku faafaya.

Go’aamo laga soo saaray shirkaas ayaa waxaa ka mid ah in Bandow lagu soo rogo magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana Bandowga uu bilaabanayaa 6-da maqribnimo illaa 5-ta subaxnimo.

Waxaa kaloo la amray in la joojiyo laga bilaabo 1-da April basaska ka dhex shaqeeya magaalooyinka dhexdooda iyo kuwa u kala gudba deegaanada Puntland.

Sidoo kale waxaa la xadiday goobaha ay dadka isugu yimaadaan, sida garoomada lagu ciyaaro kubadda cagta, maqaaxyadaha, hotelada iyo shirarka

Halkan hoose ka akhriso go’aamada:-

SOMALI NEWS

To Top