WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Magaalada Garoowe & Wararkii ugu dambeeyay.

Garoowe (HM)-Qof isku soo xidhay waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay gaadhi ay saarnaayeen Guddoomiyaja Gobolka Nugaal C/salaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore Qeybta Booliska Gobolka Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uu beegsaday gaariga ay saarnaayeen Guddoomiyaha iyo Taliyaha oo ku sugnaa afaafka hore ee Saldhiga Qeybta Booliska.

Guddoomiyaha iyo Taliyihio hore ayaa dhaawac uu soo gaaray waxaana loola cararay Isbitaalka Guud ee Garowe.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay xiray, waxaana socda gurmadka dadkii wax ku noqday.

La soco wixii watar ku soo kordha

SOMALI NEWS

To Top