WARARKA SOOMAALI

Cabdi Xaashi oo qaadacay heshiiskii Guddiga Farsamada ee Baydhabo

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maanta ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo heshiiskii doorashada ay la sheegay in Guddiyada farsamo ku gaareen magaalada baydhabo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in shirarkii ay Dhuusamareeb & Muqdisho ku qabaneysay dowladda uu muddo xileedkeeda dhamaaday uu ahaa kuwo an loo dhameyn, isla markaana aysan jirin dad ku matalayay Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Soomaliland.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in shirkii ugu dambeeyay ee guddiyada farsamada ay ku yeesheen Baydhabo uu ahaa mid kaliya ay ka qeyb galeen xubno ka socda dowladda, dowlad Goboleedyada iyo gobolka banaadir, balse aysan jirin cid ku maaleysay Gobolada Waqooyi, isla markaana aysan aqoonsaneyn heshiis lagu gaaray.

“Heshiiska Shirka Baydhabo anaga qeyb kama nihin,waa ayo cida noo heshiineysa wax aan qaadan karno ma ahan,aniga iyo Farmaajo waxaa isku diinahay Dastuurka,. Marka aan si gaar ah uga hadlo Somaliland – dowlad ahaanna uguma jirto, dadka halkan u jooga midnimada xubno kama lahan. Su’aasheydu waxay tahay yaa nagu metela, waa ayo cida noo heshiineysa? Heshiis ma jiree waa naloo heshiiyey”.

Hadalka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shir isugu yeeray dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir, isla markaana aysan jrin cid uga qeyb-galeysa ama ku mataleysa Gobolada Waqooyi.

SOMALI NEWS

To Top