WARARKA SOOMAALI

Puntland oo si lama filaan gacanta ugu dhigtay Qaraxyo lagu weerari lahaa…

Laamaha ammaanka Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa oo sida ay sheegeen ay Al-Shabaab doonayeen in ay weeraro kaga gaystaan  Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Maamulka Goboleedka Puntland.

Qoraal kasoo baxay Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF ayaa lagu shegay in howlgal ballaarran oo ay sameeyeen ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa, iyagoo intaa ku daray in ay fashiliyeen weerarkaasi.

“Hawlgal ay ciidamada PSF ka sameeyeen Bosaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka PSF.

Sidoo kale waxaa ay inta ku dareen laamaha ammaanka Puntland ay sii wadi doonaan howlgalada noocaas oo kale ah ee ay kula dagaalamayaan Al-shabaab oo inta badan dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah ka gaysta Magaalooyinka waa weyn ee Maamulka Puntland.

SOMALI NEWS

To Top