WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ka fuliyay wadda xariirisa degaanada Qoryooleey iyo Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan  ayaa Saraakiishu waxaa ay carrabka ku dhufteen in howlgalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo sida ay sheegeen ku sugnaa tuulooyin xariiriya Jannaale iyo Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgal gaar ah ay Ciidanka Danab ka fuliyeen wadda inta u dhexeeysa Janaale iyo qoryooleey ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana intaas uu ku daray in ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen Al-shabaab, isagoo sheegay in ay dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dhanka Al-shabaab ma jiro ax war ah oo kasoo baxay oo ay kaga hadlayaan howgalka la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa tuulooyin xariiriya Jannaale iyo Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose.

SOMALI NEWS

To Top