WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Guddiga Doorashada oo Dalab xasaasi loo diray MW Guudlaawe

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Warqad Codsi u diray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), xili kulamo siyaasadeed ay ka socdaan Magaalada Jowhar.

Guddiga doorashada ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe ka dalbaday inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo deegaanada Maamulkaas.

Guddiga ayaa Madaxweynaha ka rajeeyay inuu aqbali doono Codsigooda, isla markaana uu soo saaro Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee laga sugayo, iyagoona u caddeeyay inay diyaar u yihiin inay gutaan waajibaadkooda shaqo.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Magaalada Jowhar ka wada latashiyadii ugu dambeeyay ee kusoo saarayo Liiska oo siweyn isha loogu haayo, maadaama Musharaxiin farabadan ay ku tartamayaan kuraasta Aqalka Sare ee taalla Maamulkaas.

SOMALI NEWS

To Top