WARARKA SOOMAALI

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lala eegtay Qarax khasaaro geystay

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay Qarax lagula eegtay deegaanka Lambar60 ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda lagula eegtay, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Lambar60, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo weriyey inuu ka dhashay qaraxaas, waxaana goobta ku geeriyooday hal Askari oo kamid ahaa Ciidanka Uganda, halka tirro kalena ay ku dhaawacmeen, kadibna Ciidamada halkaas isagan tageen.

Al-shabaab oo ka hadashay qaraxa ayaa sheegtay in qaraxa ay la beegsadeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM ku dileen hal Askari oo Yugaandheys ah oo ahaa Darawalkii waday gaariga miinada haleeshay, halka kuwo ay dhaawacmeen.

Si kastaba Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMSIOM ayaa waxaa dhowr mar oo hore sidaan oo kale qaraxyo iyo weeraro ay Al-shabaab ugala eegteen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

SOMALI NEWS

To Top