WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo heshiis muhiim ah gaaray

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay ee ka taagnaa doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada heshiiyeen in lasoo afjaro khilaafkii ka taagnaa doorashada kuraasta Somaliland.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ku heshiiyay in la mideeyo Guddoonka iyo xubnaha maamulaya doorashada kuraasta Somaliland ee Garabyada siyaasadeed ee Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

DAAWO MUUQAALKA CABDI XAASHI

Cabdi Xaashi iyo Mahdi ayaa isla gartay in lasoo afjaro iskooxeysigii iyo abaabulkii u dhexeeyay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudagalo hirgelinta doorashada Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top