WARARKA SOOMAALI

Guddiga xallinta khillaafaadka Doorashada Federaalka oo Guddoomiye doortay

Xubnaha guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka ee her Federaal oo Maanta doortay Guddoomiye cusub, kadib doorashado ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho

Kulanka waxaa soo xaadiray 18-xubnood, waxaana xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka loo doortay Xuseen Maxamed Maxamuud oo helay 18-cod.

Doorashadan Guddiga ayaa timid, kadib markii Guddoomiyihii hore ee Guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka Qaranka Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Abyan Nuur uu geeriyooday.

Guddigaan oo ka kooban 18-xubnood ayaa ka shaqeeya xalinta khillaafaadyada ka dhashada doorashooyinka ee her Federaal, waxaana Guddigaan ay ka qeyb galeen doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay dowlad Goboleedyada dalka.

SOMALI NEWS

To Top