WARARKA SOOMAALI

DAAWo:-Al-shabaab oo weerar Madaafiic ku qaaday Magaalada Jowhar

Tiro madaafiic ah ayaa xalay lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kuwaasoo la aaminsan yahay iney soo rideen xoogaga Al-Shabaab.

Madaafiicda intooda badan ayaa ku habsaday xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaag, waxaana ka dhashay cabsi iyo khal khal xoogan oo soo wajahay dadka ku dhaqan xaafadahaas.

Labada xaafadood ayaa waxaa degan inta badan Masuuliyiin gobolka Sh/dhexe iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle, waana meelo amaankooda si weyn loo ilaaliyo.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada intii ay socotay duqeynta. Lama soo sheegin illaa hadda khasaare ka dhashay madaafiicdan, waxaana ciidamo xoojin ah la dhigay baraha kontrol ee magaalada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top