WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo gaaray Masar iyo ujeedka…

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga 47 ee shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta.

Shirkan heerka wasiir ee dalalka Jaamacadda Carabta , waxaa diiradda lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta, furadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo saameynta COVID-19.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa shirkan ku tilmaamay inuu albaab cusub u furayo sidii ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya iskaashiga wanaagsan ula yeelan lahayd wasaaradaha dhiggeeda ah ee Jaamacadda Carabta.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa kulamo doceed la yeelan doona wasiirrada dhigiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo Saraakiisha Jaamacadda Carabta.

SOMALI NEWS

To Top