WARARKA SOOMAALI

Golayaasha Dowladda Soomaaliya oo ku kala qaybsamay Muxaadirada Sheekh Umal.

 Muqdisho (HM)-Dood ka dhalatay muxaadaro ciwaankeedu yahay “Musiibooyinka iyo Sidda looga hortagi karo” oo uu iclaamiyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka taagan magaala madaxda Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya qeybaheeda kala duwan ayaa si toos ah loogu baahiyey xayeysiiska muxaaradda, taasoo lagu fasiray in xukuumada taageersan tahay.

Guuxa oo sameeyay Goleyaasha dowladda gaar ahaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka ayaa yimid markii muxaadaradda uu naqdiyey Sheekh C/qaadir Soomow oo Culimada caasimadda ku dhaqan safka hore uga jira.

Isaga oo kasoo muuqday muuqaal socday ku dhowaad 10-daqiiqo, Soomow ayaa ku doodey in hadalo kasoo yeeray Sheekh Umul “ay dad badan khubuuro ugu jiraan, agoon baddana haatan ugu nool yihiin magaalada caasimadda ah”.

Sheekh Umul oo ka jawaabay eedeynta balse iska dhowray in uu soo qaado magaca Soomow ayaa ku qeexay Sheekha “nin hurda kasoo toosay oo aan la socon halka ay aduunyadda waqti xaadirkaan mareyso”.

Muxaadaradda ayaa lagu waday in ay Eng Yariisow Stadium ka qabsoonto Jimcadii, 22-kii November. Balse waxaa loo baajiyey diidmada lagala hor-yimid. Mudaaharaad looga soo horjeedo ayaana galabnimadii qabsoomay.

Xukuumadda ayaa guddi u saartay qaban-qaabadda, taasoo tooshka caddeyn u noqotay in ay garab istaag weyn u tahay Sheekh Umul, oo Muqdisho geeyay deeq ku wajahan Beledwayne oo ka timid Soomaalida-Kenya.

Qaar kamid ah culimadda taageersan Villa Soomaaliya ayaa dhaliilay Sheekh Soomow oo ay ku sifeeyeen “nin u gefay caalim weyn”. Hase ahaatee, culimada dhexdhexaadka ah ayaa ku baaqay in xaalada la qaboojiyo.

Umul oo sanadihii u dambeeyay ku noolaa Kenya ayaa qadiyadda ugu weyn ee loo haysto waxay tahay in uu “xalaaleeyay dhiiga Suufiyiinta intii ay Al-Shabaab waday howlgalada ka dhanka ah wadaadadaas”.

Intaas waxaa sidoo kale wehlisa “in uu baneeyay dhiig qof walba oo la macaamila ciidamadda AMISOM” maalmahoodii ugu horeeyay ee magaaladda Muqdisho.

Axmed Macalin Fiqi, mudane ka tirsan Aqalka, oo weerar afka ah ku ekeeyay Umul ayaa sheegay in “iftihii uu kasoo dirayey Nairobi markii la doortay Shariif uu ka khatar badnaa hubka Al-Shabaab”.

Fiqi oo baraha bulshadda qoraal soo dhigay ayaa soo raaciyey mid kamid ah hadaladii uu jeediyay Umul ee dooda xoogan dhaliyay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo dowladda ku dhaliilay “buunbuuninta” Sheekh Umul ayaa soo jeediyay “in hadii wax dadka anfacaya uu wado uu waaniyo” xubnaha Al-Shabaab.

Iyadda oo ay horey u jirtay taariikh diiwaanka lagu daray, waxaa haatan muuqaneysa in uu dadweynaha iyo siyaasiyiinta Muqdisho dib uga soo dhex-cusboonaayo xifaaltanka wadaadada Salafiyiinta ah iyo kuwa Suufiyiinta.

Garoowe Online

SOMALI NEWS

To Top