WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Siciid Deni oo ka hadlay dadkii ku dhintay dagaalkii lagu qaaday Dhoobo-dareed-Video

Garoowe ( HM ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan Qado sharaf ah u sameeyay Goleyaasha kala duwan ee Puntland,  Wuxuuna Muddo kadib ka hadlay Dilkii ka dhacay Xarunta Baarlamaanka, Isagoo Muddo kadib  ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay barlanaanka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulanka u jeedkiisa ayuu ku sheegay inuu yahay xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Puntland, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqon doona, si loo gaadho horumarka Puntland iyo in dadka la gaarsiiyo adeeygada dowliga ah ee asaasiga ah, Wuxuuna ku baaqay ku adkeynta midnimada iyo ka shaqeynta amniga iyo horumarka Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweyne Deni wuxuu u tacsiyadeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadii dhowaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland, isagoo eebe uga baryey inuu janadii geeyo eheladoodiina samar iyo iimaan ka siiyo, si gaar ah Madaxweynuhu wuxuu u xusay Alla Haúnaxariistee Marxuum Cabdikariim Dhegaweyne oo ahaa mulkiilihii xarunta Hida-raac oo kulanka qadada ah lagu qabtay.

Dhinaca kale Waxaa kulanka ka hadlay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Masuuliyiinta Garsoorka, Xildhibaano , Golaha Wasiirada,  Odayaasha Dhaqanka iyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

SOMALI NEWS

To Top