WARARKA SOOMAALI

Deniga Puntland oo markii ugu horaysay ku wajahan Magaalada Muqdisho.

Garoowe (HM) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu markii u horeysey u safro magaalada xarunta ah ee Muqdisho tan iyo markii loo camaamaday inuu hoggaamiyo maamulka iskugu yeedha Hooyada Federaalka ee Puntland , Warar qaar ayaa sheegay inuu ka tanaasulay Mucaaridnimadii uu ku hayey Dawladda dhexe.

Deni ayaa la sheegay inuu Xidiidh la sameeyay DF Soomaaliya, islamarkaana inuu garawsaday hagardaamada Soomaaliya ka soo gaadhay dalalkii shisheeye ee uu la shaqaynayey.

Wuxuu codsaday inuu la kulmo Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha uuna safar deg deg ah ugu soo baxo Muqdisho, taas oo laga aqbalay.

Socdaalka Madadweynaha oo la filayo inuu todobaadkan noqdo ayaa kusoo beegmay maalmo uun kadib kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ah.

Shacabka Puntland oo ku kacay, dhaqaalihii oo hoos u dhacay iyo midnimadii Maamulkaas oo meesha ka baxday ayaa ku khasbay inuu Tanaasul la yimaado, Waxaa sidoo kale jira  Culaysyo kasoo wajahaya Puntland dhinaca gobolada Bari iyo Sanaag.

SOMALI NEWS

To Top