WARARKA SOOMAALI

Golaha wasiirada oo Todobaadkan la magacaabi doono & Ragga ugu cadcad ee Khatumo ka soojeeda.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Hassan Ali Khayre ayaa wada dedaaladii ugu danbeeyey ee xulashada golaha wasiirada ee xukuumadiisa cusub, R/Wasaare Khayre ayaa wararku sheegayaan inuu dhisayo xukuumad lagu tilmaamay Midnimo Qaran, oo  la sheegay inay ka soo dhexmuuqan doonaan wejiyo cusub iyo kooxaha siyaasadeed ee dalka badankoodu.

Deegaamada Khaatumo ee SSC ayaa waxa kursiga wasiirkooda u safan xubno dhawr ah kuwaasoo siyaabo kala duduwan ugu tiirsan dhinacyo saameynleh, Ragga ugu cad cad waxa ka mid ah Aqoonyahan Jaamac Abdullahi Caydiid oo ah wejiyada cusub, isla markaana ah aqoonyahan ganacsade ah, oo horey aan ugu milmin siyaasadihii maamulada hareeraha iyo kuwa kale toona, sidoo kale Siyaad Maxamuud Shirre oo si KMG ah dhanka maamuuska M/weyne Farmaajo ugu magacaabay ahna safiir ku xigeenka Sucuudiga ee Soomaaliya ayaa ku jira ragga halgamaya, waxana Siyaad shalay ka dhamaaday xilkii KMG ahaa ee Baratakoolka.

Ali Ahmed Jaamac Jangeli, Daa’uud Maxamed Cumar{Bisinlle},  iyo xubno kale ayaa ayaguna ah kuwa loolan ugu jira hanashada kursigan.

Ilo ku dhawdhaw madaxtooyada ayaa shabakada Horufadhi u sheegay in Jaamac Caydiid uu ka mid yahay xubnaha fursadda ugu dhaw u haysta in kursiga wasiirka deegamada Khaatumo uu helo, waxaana lagu sababeenayaa, asagoo aad ula shaqeeyey Ololahii Madaxweynaha dalka Farmaajo, asagoo  wakhti badan geliyey sidii uu isbedel uga dhici lahaa dalka.

Dadka Soomaaliyeed ayaa filaya in xukuumad Tayyo leh, oo isbedelkii la rabay ka Tarjunta la soo dhiso, ayadoo dadku aad ugu hanqal taagayaan golaha wasiirada ee maalmaaha soo socda la dhisi doono

[email protected]

\=

SOMALI NEWS

To Top