WARARKA SOOMAALI

Allah ha u naxariistee Halyeegii Hindiya ka Mamnuucay buugii Ardaal Salman Rushdie oo geeriyoodey.

Mid ka mid ah hogaamiyeyaasha muslimiinta ee ugu saamaynta badnaa India, Syed Shahabuddin, ayaa geeriyooday asagoo 82 jir ahaa.

Ninkaas oo ahaa diblomaasi markii dambe siyaasi noqday, ayaa lagu yaqaannaa inuu ahaa ninkii mas’uulka ka ahaa in buuggii uu qoray Salman Rushdie ee The Satanic Verses (aayadahii shaydaanka) laga mamnuuco India 1988.

Wuxuu kaloo caan ku ahaa u ololaynta sidii looga hortagi lahaa in Hinduugu ay burburiyaan masaajidka Babri.

1985 wuxuu ka soo hor jeestay xukun ay maxkamadda sare ku gaartay in raggu ay biilaan dumarka muslinka ah ee ay furaan, kiiskaas oo dhaliyey muran ah in isbeddel lagu sameeyo sharuucda shaqsiga ee muslimiinta India.

 

SOMALI NEWS

To Top