WARARKA SOOMAALI

Farmaajo oo Safarkiisaii 3aad Dalka Dibadda Ugaga baxaya iyo ujeedka Socdaalkiisa-Warbixin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ku sii jeeda dalka Jordan, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

 

Safarkan ayaa ah kii 3aad ee uu dalka uga ambabaxo, tan iyo markii la caleema saaray bishii hore, sidoo kale waxaa uu maanta dalka ka dhoofaya labo cisho kaddib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii u horeysay ka qeyb geli doona shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo sanadkan ka duwan sanadkii hore.

Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo ah kii 28aad ayaa waxaa ka qeyb galaya 16 Madaxweyne iyo Boqoro, waxaana uu si rasmi ah u furmi doonaa maalinta Arbacada ee taariikhda ku beegan tahay 29 March.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo inta uu socda shirka, madax qaar ka mid ah dalalka carabta, sida Boqorka Sacuudiga, Boqorka Jordan iyo kuwa kale.

Shir Madaxeedkan ayaa ka duwan kii sanadkii hore lagu qabtay dalka Mauritania oo ay ka qeybgaleen sideed hogaamiye oo qura, waxaana la xasuusan yahay in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii ka baaqsaday ka qeybgalka shirkaasi sababo ku aadan ololihii doorasho ee uu  ku raadinayay in xilka uu markale loo doorto, halka hogaamiyeyaasha kale ee Carbeed ay quursadeen qaban-qaabada iyo marti sooridda dalkaasi.

Shir madaxeedkan ka dhacaya dalka Jordan ayaa lagu tiriyaa kii ugu badnaa ee hogaamiyeyaasha Carabta ay ku kulmaan, waxaase maqnaan doona illaa iyo lix Madaxweyne oo aan la caddeyn sababta maqnaanshahooda.

Shir Madaxeedkan ayaa waxaa markii ugu horeysay ka qeybgali doona laba Madaxweyne oo cusub oo kala ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Michel Aoun Madaxweynaha Jamhuuriyadda Lubnaan.

SOMALI NEWS

To Top