WARARKA SOOMAALI

Daawo:Odayaasha Beesha Hawiye oo Go,aan lama filaan ah ka Qaatay Golaha Wasiirada Cusub iyo Farmaajo iyo Khayre oo Dhagaha u taagaya-Video

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa mar kale fariin adag kasoo saaray khilaafka ka taagan golaha wasiirada cusub.

Nabadoon Maxamed Xassan Xaad iyo Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa waxa ay si wadajir ah uga hadleen wasiirada cusub ee uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheere iyagoo dalbaday in si deg deg ah loo ansixiyo xukumada.

Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay mudo badan soo daashatay isqab qabsi iyo dhibaatooyin kale isla markaana ay ka dalbanayaan xildhibaanada qaranka iney ansixiyaan xukumadda.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dhanka kale Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in xildhibaanada qaranka ay meel mariyaan wasiirada cusub si loogu gar gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Hadalka odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa kusoo aadaya xili khilaaf xoogan uu ka taagan yahay ansixinta wasiirada cusub taas oo qaadatay in mudadii loogu talagalay in la horgeeyo barlamaanka ay ka harsanaanto saacado kooban.

Wararka [email protected]

SOMALI NEWS

To Top