WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in lasoo qab qabto Dadka ka ganacsada Deeqaha Gargaarka ah-Akhriso

Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegeen in saraakiishooda sare sare ee Wasaaradda Caafimaadka ay soo xaqiijiyeen in suuqyada Muqdisho lagu iibiyo cunnooyinka qaaska ee samafalka loo keenay oo loogu talagalay carruurta iyo dadka kale ee ay nafaqa daradu heyso.

Cuntada lagu soo arkay suuqyada ayaa waxa ka mid ah Buskut, Saliid, Digir, Haruur iyo malmaatooyinka nafaqada leh ee loo yqaan RUSF iyo RUTF.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa amar ku siisay hey’adaha amniga, gaar ahaan Taliska ciidanka Booliska in ay soo qabtaan shaqsiyaadka caadeystay in ay iibiyaan cuntooyinka samafalka ah ee aan iibka loo keenin dalka.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda caafimaadka oo uu ku saxiixnaa Kusimaha Wasiirka Caafimaadka ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xuseen Cismaan Xuseen ayaa lagu faray ganacsatada iyo cid kasta oo muwaadin ah, una damqaneyso carruur Soomaaliyeed ee la liidata nafaqa la’aanta in ay ka fogaadaan iibinta cuntada samafalka loogu talagalay isla markaana ay wargaliyaan hey’adaha amniga si ay uga qaadaan tallaanta ku haboon.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in durba ay jiraan ganacsato loo soo xiray in ay iibinayeen cuntooyinka gargaarka dalka loo keeno, waxaana ay Wasaaradda Caafimaadka ku adkeysanaysaa in aaney aqbaleynin in lagu iibiyo suuqayada tallaabana laga qaadayo ciddii lagu helo iibinta cunto gargaar dalka ku timid.

Hadalka ka soo  baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa imaanaya, xilli dhawaan warbixin laga sii daayay CNN lagu sheegay in cuntooyinka samafalka loo geeyo Soomaaliya ay qaarkood u gacan galaan kooxda mintidiinta ee Al-Shabaab.

Akhriso qoraalka

SOMALI NEWS

To Top