WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo kulan deg deg ah maanta ka leh xaaladda Magaalada Baledweyne ee Gobalka Hiiraan-Akhriso

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoominaya kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaalada bani’aadanimo ee ka jirta Beledweyne, kaddib markii uu fatahaad sameeyay wabiga Shabeelle.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Wasaaradaha Xukuumadda iyo Hey’adaha gargaarka, iyadoo looga hadli doono sidii wax looga qaban lahaa, looguna gurman lahaa xaalada qatarta ee ka jirta Beledweyne.

Mas’uuliyiin ka socda Hey’adaha Sama falka ayaa ka qeyb geli doona kulanka degdega, si gurmad loola gaaro dadka ay saameeyeen fatahaada oo xilligan heysta xaalad go’doon ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in musiibada ka taagan magaalada Beledweyn wax ka qabasheeda ay ka weyn tahay maamulkiisa, isagoo ku baaqay gurmad degdeg ah.

Waxaa uu sheegay in roobab ka da’aya deegaanada ismaamulka soomaalida ay sababeen in wabiga uu aad u soo buux dhaafiyo, isla markaana uu karkaarka jabsaday, taasoo keentay in xaafado ka tirsan Beledweyne looga barakaco daadadka biyaha wabiga Shabeelle.

Daadadka ka dhashay wabiga Shabeelle ayaa sameeyay xaafadaha Beledweyne, iyadoo kumanaan qoysas ay ka barakaceen guryahooda, kaddib markii ay biyo ugu soo galeen.

SOMALI NEWS

To Top