WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyanah Dalka Suudaan oo tababar usoo xidhay Saraakiil Soomaali ah-Video

Magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan ayaa lagu qabtay munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xidhayay dhalinyaro Soomaali ah oo Leyli Saraakiil ah.

Waxaa ka qeybgalay munaasabadaasi madaxweynaah Dalka Suudaan Cumar Xasan Albshiir,kumanaan Soomaalida ku nool Dalkaasi Suudaan iyo madax kale.

Saraakiisha dhalinyarada ah ayaa dalka Sudan wax ku baranayay muddo ku siman 2 sano,iyagoo bartay sharciga iyo Qaanuunka.

Cumar Xasan Axmed oo ka mid ah saraakiishaasi tababarka loo soo xiray ayaa galay kaalinta koowaad ee mudadii uu socday tababarkaasi, iyadoo madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir uu billad sharaf guddoonsiyay guuleystaha kaalinta koowaad galay ee Omar Hassan Ahmed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu Cumar Xasan Axmed hormuud ka ahaa salaan sharaftii halkaasi lagu siiyay madaxweyne Cumar Xasan Albshiir, iyadoo uu madaxweynuhu ku amaanay dhalinyaradaasi xirfadaha ay barteen, iyo tayadooda wanaagsan.

SOMALI NEWS

To Top