WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Warbaahinta Horufadhi ayaa warbixin Xasaasi ah ka diyaarisay Kulanka labadda kuuriya iyo shan dhacdo-Video

1.Maxay ugu kulmeen dhanka Kuuriyada Koonfureed?

Kuuriyada Waqooyi ayaa aqbalashay in hoggaamiyahooda sare uu Kuuriyada Koonfureed kulmo madaxweynaha dalkaas Moon Jae-in.

Sanadkii 2000, kulan ka dhacay magaalada Pyongyang, waxaa halkaas tagay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Kim Dae-jung, maadaamaa uu 17 sano ka yaraa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, kaas oo sheegay in ay mudantahay in ninka yar uu soo booqdo kan weyn.

Horay uma dhicin in hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi uu booqdo Koonfurta laga soo bilaabo sanadkii 19951-dii. Balse Kim ayaa Moon u muujinaya in uu ka duwanyahay hoggaamiyeyaashii hore.

Kim ayaa si lama filaan ah Moon uga taloowsiiyay xadka Kuuriya Waqooyi

Wadahadalada labad dhinac ayaa ka biloowday aagga militariga ka caaggan ee labada dal u dhaxeeya, kadib markii Kim uu Koonfurta u tallaabay, kadibna Moon uu si lama filaan ah ugu casuumay in uu dhanka kale ee Waqooyiga istaago.

Iyaga oo gacmaha is heysta ayay usoo wada talaabsadeen halkii lagu qabanayay shirka.

Dhaqanka Kim waxa uu u ekaa mid loogu talogalay oo maanka lagu hayay in la baahin doono ficil kasta oo uu sameeyo. Wuxuuna isu muujinayay in uu isaga shukaanka ku fadhiyo.

2.Muujin awoodeed

Askar badan oo hareer ordaysa gaariga Kim

Waxaa jira waxyaabo badan oo u qaas ah oo gallad ah oo uu leeyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, waxaa ka mid ah illaalo aad u badan.

Illaalada Kim ayaa horey usii galayay qol kasta oo uu kulan ka dhacayay, iyaga oo meesha ka nadiifinayay haddii lagu sii xiray qalab wax lagu dhagaysto.

Kursiga iyo miiska uu fariisanayo Kim ayaa lagu buufinayay hoor wax nadiifiya.

Markii ay qadadii dhammaatay, baabuurkii uu saarnaa Kim waxaa labada dhinac ka ruxleeynayay illaalo aad u tiro badan.

3.Xaalado adag

Buurta Paektu waa meel ay barakaystaan dadka Kuuriyaanka ah

Markii uu shirka furmay madaxweyne Moon ayaa taabtay qodobo xasaasi ah, wuxuuna sheegay in dadka barokacay iyo kuwa soo baxsaday in ay qabaan rajo badan.

Waxa ay ahayd arrin aan caadi ahayn in uu qirto jiritaanka dadka soo baxsaday oo ay Kuuriyada Waqooyi u taqaano kuwa galay qiyaamo qaran.

Balse arrinta ugu muhiimsan waxa ay ahayd markii uu Kim qirtay in kaabayaashooda dhaqaale ay u baahanyihiin dayac tir iyo horumarin weyn.

Moon ayaa Kim u sheegay in uu jecelyahay in uu fuulo buurta Paektu, taas oo ku taala Waqooyiga, loona arko in ay tahay mid barakaysan.

4. Dhaqanka iyo ciyaaraha

Shirarka waxaa Kim kala qaybgalayay walaashiis ka yar

Waxyaabihii ugu horeeyay ee dhexmaray labada Kuuriya, Kim waxa uu diray walaashiis ka yar Kim Yo-jong iyo Kim Yong-chol oo ahaa madixii sirdoonka ciidanka, haddane ah ninka ugu sareeya ee xagga dublamaasiyadda.

Labadan qof ayaa ah kuwa ugu dhow hoggaamiyaha ee la taliya, iyada oo saacado ka hor kulanka ay walaashiis sii qaaday warqadaha khudbadda iyo fariinta walaalkeed Kim.

Kim waxa kale oo uu horey usoo watay saraakiil kale oo dheeraad ah kuwaas oo ka qeybgalayay shirar kala duwan oo kala heer ah.

Waxaa ka mid saraakiil ciidamo, kuwa dhaqan iyo kuwa ciyaaraha qaabilsan.

Si ka duwan socdaalkii uu ku tagay Shiinaha, Kim ma uusan wadanin saraakiil sirdoonka ah iyo kuwa xagga dhaqaalaha.

Taas waxaa loo fasirtay in kulankan uu yahay mid maamuus ah oo kaliya, balse waxyaabaha muhiimka ah ay dambeyn doonaan.

5.Salaan saarka

.

Wasiirka gaashaandhiga Kuuriyada Waqooyi Jeneraal Pak Yong-sik iyo taliyaha ciidanka Ri Myong-su ayaa salaan sharaf u saaray madaxweyne Moon.

Balse dhiggooda Koonfurta salaam uma aysan saarin Kim.

Kim oo hormaray ciidamadii salaam sharafta qaadayay ayaan isaguna u salaam noqin askarta.

Salaantan ayaa waxa ay ka dhigantahay in dagaalkii labada dal dhexmaray in uu dhammaaday iyada oo aanan la saxiixin heshiis nabadeed.

Labada hoggaamiye waxa ay ku heshiiyeen in ay bilaabaan wadahadalo nabadeed, balse shaqo badan ayaa taala.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Horufadhi Media

SOMALI NEWS

To Top