WARARKA SOOMAALI

Daawo:-“Soomalida isirkooda ama faracooda maka kasoo jeedo carab raad raac dhab ah!!-Video

Sida diinta Islaamka noo caddeysay ama ay cadeeyeen xeeldheerayaasha aqoonta durugsan u leh cilmiga baarista sinjiga iyo tadawurka aadmiga jiila jiilka ka dhaxlay, waxaa laysku waafaqsan yahay in Nabi Aadam(cs) kadib, shucuubta maanta ku nool daafaha dunidda in ay dhamaantood kasoo farcameen wiilashii Nabi Nuux dhalay ee magacyadooda kala ahaayeen.

  • Xaam Nuux
  • Saam Nuux
  • Yaafit Nuux
  • sida ku xusan taariikhda Islaamka, Nabi Aadam (cs) Iyo Nabi Nuux (cs) waxaa uu dhaxeeyay toban kun oo sano, islaMarkaana Nabi Nuux wuxuu dacwada fidin diinta waday muddo kun sano ku dhow, hase yeeshee taariikhyahanada ma sugin inta sano ama qarni ee kasoo wareegtay ama u dhaxaysay waqtigii Nabi Nuux Iyo Waqtigii Nabi Ibraahim (cs), waloow dhulbaarayaasha (Archaeologist-yada) ay raadkii burburkii doontii Nabu Nuux ka heleen buuralayda dalka Turkiga, isla markaana isir yaqaanadu wada qirsan yihiin in ummadaha oo dhan kasoo farcameen ama kasoo jeedaan faracii Nabi Nuux.

    Sidaasi oo ay tahay wali layslama meel dhigin oo lama yaqaan waxyaabaha sababay kala geddisnaanta midabka iyo muuqaalka ummadaha, Arrintaasi waxaa si cad dadka ugu shaafisay ama ugu daawaysay Aayada 22-aad ee suurada Ar-Ruum wuxuu Alle Wayne ummadiisa ku yiri

    “Astaamaha iyo Awooda Alle waxaa kamid ah, abuurista Cirarka iyo dhulka iyo kala duwanaanta afafkiina iyo midibyadiina, Xaqiiqdii waxaa taas ugu sugan Calaamooyin qoomkiii leh garasho wanaagsan.”

    Sheegashada Carabta?

    Sheegashada Carabnimada ma ahan mid ku eg Soomaalida kaligeed, ee waxaa la wadaaga dadyoow kale oo ku nool dunidda dusheeda, hadaan tusaale usoo qaadano Ashantiiga Ghani waxay sheegtaan in ay asalkoodii hore yahay Carab, walibana ciriqooda kasoo jeedo Firka Nabbi Muxamed (NNK), sidaasi oo kale waxaa jira dad ku nool shiinaha oo iyagana sheegta carabnimada gaar ahaan ahlu Baytka Nabbi Muxamed NNK.

     Dhanka kale dadka shiicada ayaa iyagana inta badan u nasab sheegta in ay kasoo farcameen firkii Nabbi Muxamed NNK, gaar ahaan iyaga oo sheegta in awoowgooda yahay Xuseen Bin Cali Bin Abii Daalib, hadaba arrintaani oo jahwareer cad ku keentay ummadaha kale ee dunidda ku nool.
  • Markaad si fiican u fiiriso arrigtida ah in qolo walibaa doonayso in isirkeeda ay ku xirto ama ku talaalato Qoyska

  • Nabbi Muxamed NNK, waxay keenaysaa shaki aad u badan, maxaa yeelay carab ma aheyn oo kaliya qoyka Nabi Muxamed, ee waxaa jiray qabaa’ilo badan oo carabta ah, kuwaasi oo dagi jiray jaziirada carabta.
  • Markaa si fiican u fiiriso, sheegashada Aallu Bayt-ka Nabbi Muxamed waxaa aad u buun buuniya Shiicadda, iyo dadka Soomaalida u taqaan Suufiyada ama tima waynta, sideey doontaba haku timaadee, arrintaasi waxaad moodaa in dadka loo qeebiyay laba qaybood, kuwa kasoo jeeda Firkii Cali Bin Abii Daalib iyo kuwa kasoo jeeda Caqiil Bin Abii Daalib, si markaasi Isirka Nabi Muxamed xariir lala yeesho.

     

    Hadaan dhanka kale usoo laabano jahwareerka jira waxay tahay Sheekh C/Raxmaan Al-Jabarti oo loo yaqaan Darood, wuxuu Aabihiisa Ismaaciil ku aasan yahay ayaa la sheegaa dalka Yamen, Isaga Sheekh C/Raxmaana uu ka yimid dalkaasi Yamen, halka kuwa badan oo taariikh ka qoreena ay sheegayaan In Sheekha uu ka yimid dhankaasi iyo Shaam. Sheekooyin badan oo horay dadka siba loogu sheekeeyay ayaad arkaysaa, inkastoo dhawaantaan aad moodo in hal meel loo jeediyay kadib markii isku dhac xaga taariikhda ay timid.

    LAAKIIN dhibaatada ugu wayn ee Sheekh C/Raxmaan Al-Jabarti ka taagan waxaa kamid ah in qolo walibaa ay sheeganayso in uu iyagaasi kasoo farcamay, tusaale Masaarida waxay sheegtaan in Sheekh C/Raxmaan Al-Jabarti uu yahay nin Masri ah, ku dhashay Masar kuna geeriyooday Masar, halka la sheegayo in uu Yahay Yamani asal ahaan, hadaba hal nin maxay laba wadan u kala sheegteen yaase la raacayaa labadaasi. Guji oo riix lingixaan, sidaasi oo kale daawo muuqaalkaan.

    Hadaba Sheekh C/raxmaan Al-Jabarti ma midka ku aasanbaa Hayland oo Puntlad kamid ah, mise waa midka ku aasan Masar, Mise innagaa khaldan oo Sheekh C/Raxmaan Al-Jabartiga Masar iyo midka Soomaaliya yimid ayaa kala duwan?!!!

  • HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top