WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maleeshiyaadka fadhiya Tukaraq oo khal khal galiyey ammaanka Garoowe iyo Siyaasiyiin ku dhawaaqay-Video

Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo kamid ah meelaha ugu ammaanka badan ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay saamayn ku yeesheen ciidamada faraha badan ee fadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Kumanaan askar dowladeed ah iyo malayshiyaad kala duwan ayaa fariisimo kuleh Tukaraq iyo hareereheeda oo ay isku horfadhiyaan ciidanka Puntland iyo kuwa Soomaaliland, waxaana marar badan magaalada soo gala malayshiyaadka aan ahayn ciidanka dowladda ay magaalada Garoowe soo galaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Siyaasi ahna xildhibaan hore Daahir Cabdulqaadir Ciiro ayaa waxa uu sheegay in malayshiyaadka ku sugan Tukaraq ay saamayn kuyeesheen ammaankii magaalada loona baahan yahay in qorshe laga yeesho oo aan loo ogolaan inay magaalada hub la soo galaan.

 

SOMALI NEWS

To Top