WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo ka mid noqotay Urrur muhiim ah oo ay ku jiraan…

Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa magaalada Adis Ababa ku kala saxiixday Heshiis Dowladda Soomaaliya ay uga mid noqoneyso Wadamada Afrika ee awoodda u leh yareynta Khataraha musiibooyinka (African Risk Capacity).

Heshiiskaan waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriiye .

Soomaaliya ayaa noqoneysa waddankii 35-aad ee qeyb ka noqda , waana dalkii u horeeyey ee sannadkaan 2021ka kusoo biiray (ARC).

SOMALI NEWS

To Top