WARARKA SOOMAALI

Suudaan oo War lama filaan kasoo saartay dagaaladii ka dhacay Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa war ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo isku dhacyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, taasoo ay sheegtay inay ka dhalan karto cawaaqib dib u dhac u keeni karta horumaradi la gaaray.

Dowlada Sudan ayaa ugu baaqday dhinacyada kala duwan ee siyaasada dalka in wadahadal ku xaliyaan khilaafka u dhexeeya.

Sidoo kale xukuumada Suudaan ayaa ku baaqday in dagaalka la joojiyo laguna laabto heshiiskii 17 September, isla markaana xal buuxa laga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida dalka ka dhaceysa.

Wadamo badan oo caalamka gaar ahaan qaarada Afrika ayaa muujinaya walaaca ay ka qabaan in dalka Somaaliya uu dib ugu laabto dagaalo sokeeye, waxaana ay ku baaqayaan in la wadahadlo, isla markaana dib loogu laabto heshiiskii 17-kii Sep 2020.

SOMALI NEWS

To Top