WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay war ay kasoo saartay dagaalka Itoobiya-Akhriso

Muqdisho (HM)-Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay soo saartay War saxaafadeed ay walaac uga muujisay dagaalka kasocda dalka Itoobiya ,waxaana Wasaarada ku baaqday in dagaalka lagu dhameeyo wadahadal.

Qoraalkan kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Soomaaliya ayaa lasoo dhigay barta Wasaarada ku leedahay Twitterka, hasa ahaatee wasaarada arimaha dibadda ayaa durba qoraalkaasi ka saartay baraheeda ay horey usoo dhigtay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku shaaciyay in qoraalka la shaaciyay uusan ka turjumeyn aragtida dowlada, waxa uuna beeniyay Cawad in warqadaasi aheyd mid sax ah oo kasoo baxday dowlada.

Sawirka Wasiirka arrimaha dibadda Somalia

Sida aan wararka ku helnay dowlada Federaalka Itoobiya ayaa ka carootay siiqada loo qoray War saxaafadeedka Dowlada Soomaaliya kasoo saartay dagaalka ay kula jirto Tigrey, waxa ayna Xukuumada Adis Ababa ku amartay Soomaaliya in ay ka laabato qoraalkaasi.

Xukuumada Adis Ababa ayaana si weyn uga soo horjeeday qoraalka kasoo baxay dowlada Soomaaliya oo ku baaqayay wadahadal, Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaana horey u diiday in wadahadal la galaan maamulka Tigrey.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musevani ayaa dhawaan sidan oo kale bartiisa Twitterka uga saaray qoraal uu uga hadlay dagaalka Itoobiya kuna dalbanayay in xiisada taagan wadahadal lagu dhameeyo.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top