WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Ra’iisul Waasaarihii hore Soomaaliya Cumar Carte Qaalib oo goordhow Hargeysa ku geeriyooday.

Hargeisa ( HM )-Waxaa goor dhowayd magaalada Hargeisa ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib.

Cumar Carte Qaalib , waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1930 , waxaana uu waxbarashada hoose/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Cadan ee dalka Yemen, markii dambe waxa uu wax ku bartay jaamacada Bristol ee dalka Ingiriiska .

Cumar Carte ayaa mudooyinkii dambe Xaalad Caafimaad lasoo daristay, Waxaana geeridiisa tacsi ka diray Masuuliyiin kala duwan.

Maxamed Cumar Carte oo ah Wiil uu dhalay oo Soomaaliya kasoo noqday Raysal wasaare ku xigeen, Islamarkaana ahaa Xildhibaan ayaa dhowaan dib ugu soo noqday Hargeisa, Siduu ula socdo Xaalada Caafimaad ee Aabihii.

Madaxwaynaha Somaliland ayaana la sheegay inuu Cafis madaxwayne u fidiyey Maxamed Cumar Carte siduu aabihii usoo booqdo.

Alle ha u naxariisto Marxuumka , Ehelada iyo Qaraabadana Samir iyo iimaan haka siiyo.

SOMALI NEWS

To Top