WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Qabiil yaraan loogaga adkaaday doorashadii Somaliland.

Laascaanood (HM)-Gudoomiyaha Xisbiga ucid Faysal Cali Waraabe ayaa Khudbad ka jeediyey Munaasibad ka dhacday Hargeisa, Wuxuuna sheegay in Doorashadii dhowaan ka dhacda Somaliland looga badiyey Reerkiisa oo yar, Sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qabiilka waxa wada waa Madaxda,   Qaranimadii Hoos ayaynu uga soconaa,    Balse Reer meel lagu gaadhi mayo, Doorashadii maalintii dhowayd Reer yaraan ayaa la igu riday aniga”

Doorashadii  Waxaa la yidhi yaa Habaryoonis ah Iyo yaa Sacad Muuse , Balse Farta ayaa la Qaniinay,  Maamulka Xumaaday Codka ayaa lagu bedelaa”. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Xaalada  Dhalinyaradda,  isagoo yidhi “Dhilinyaraddu Tiyaatar ma haystaan, Maktabad ma haystaan, Garoomo ma haystaan”

Ugu dambayntii  Faysal wuxuu dhalinyaradad deegaanka Oodwayne (Daadmadheedh) kula dardaarmay inay Qabiilka ka fogaadaan, wuxuuna ku booriyey inay dhisaan jidka isku xidha Hargeisa iyo Oodwayne.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top