WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo ka hadashay Ciidamo TURKI ah oo weerar lagu dilay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka hadashay dad u dhashay dalka Turkiga oo lagu dilay weerar ka dhacay waqooyiga dalka Ciraaq, sida uu daabacay Wargeyska Daily Sabaax ee dalkaas.

Wargeyska Daily Sabaax ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dowladda Turkiga uga tacsiyadeysay 13 qof oo kooxda PKK ay ku dileen waqooyiga dalka Ciraaq, ayna dowladda sheegtay inay ka xun tahay falkaas.

Sidoo kale Wargeyska ayaa Warbixinta ku xusay in dowladda Soomaaliya ay kamid aheyd dalal dhowr ah oo Xukuumadda Ankara ugu tacsiyeeyay dadkii ay ka dileen Kooxda PKK, kadib markii dadkaas todobaadkan weerar ku qaadeen.

Marka laga soo tego Warbixinta uu daabacay Wargeyska Daily Sabaax ma jiro Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka oo ay uga hadleyso dadkii Turkiga looga dilay Ciraaq.

Kooxda PKK ayaa weerar ku dishay 13 qof oo u dhashay Turkiga oo ay ku jiren Saraakiil isugu jiray Boolis iyo Milateri, waxaana la dilay, xili ay ku jireen howlgal ay ku doonayeen inay kusoo badbaadiyaan Muwaadiniin turki ah.

Turkiga ayaa bishaan bilaabay howlgal militari oo ka dhan ah saldhigyada PKK ee waqooyiga Ciraaq oo Madaxweyne Erdogan sheegay Isniintii in loogu talagalay qayb ka mid ah sii deynta 13 qof ee la qafaashay.

SOMALI NEWS

To Top