WARARKA SOOMAALI

Duqeyn lala beegsaday Saldhig uu leeyahay Mareykanka iyo khasaaro…

Duqeyn Hoobyayaal lala beegsaday Saldhig Milliteri oo ay Maraykanka ku leeyihiin Caasimadda Gobalka Kurdistan ee Waqooyiga Iraq ayaa la sheegay inuu Qandaraase Rayid ku geeriyooday, halka 5 Askar Maraykan ah ku dhaawacmeen.

Ilaa hadda, lama sheegin Waddanka uu ka soo jeedo Qandaraaslaha lagu dilay Duqeyntaasi.  Saddex Gantaal ayaa lala beegsasday Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Arbil, halka uu mid ka mid ah Gantaalladaasi ku habsaday Dhismo Milliteri oo ay Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka deggan yihiin.

Sidoo kale, 2 Gantaal ayaa waxay ku habsadeen Deegaano la deggan yahay oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Arbil. Ma kala cadda haddii hadafka Duqeyntaasi ahaa Saldhigga Milliteri ee ay Maraykanka ka degan yihiin meel u dhow Garoonka Arbil.

Dhinaca kale,  Hay’adaha Ammaanka ee Gobalka Kurdistan iyo Isbahaysiga Milliteriga Caalamiga ee ka hawlgala Gobalkaasi waxay sheegeen inay heleen Gaargii loo adeegsaday Duqeyntaasi, balse, lama sheegin goobta looga tegay gaariga.

Koox isku magacowday Saraya Awliya Al-dam ayaa sheegatay Mas’uuliyada Duqeynta loo geystay Saldhiga Milliteriga Isbahaysiga Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Arbil ee Waqooyiga dalka Iraq.

SOMALI NEWS

To Top