WARARKA SOOMAALI

Hay’addaha amniga DDS oo kulan ka yeeshay la-dagaalanka Al-shabaab

Magaalada Dirirdhaba ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay kulan looga hadlay xaaladda amniga ee bariga Itoobiya iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen hay’addaha amniga dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa kala deegaanada Soomaalida, Oromada iyo Canfarta ayaa lagu gorfeeyay sida lagu xaqiijin karo amniga deegaanadaas.

Sidoo kale inta socday kulanka ayaa waxaa laga wada hadlay sidii ay wadashaqeyn u yeelan lahaayeen hay’addaha amniga qeybahooda kala duwan ee Soomaalida, Oromada iyo Canfarta ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Taliye ku-xigeenka Booliska Federaalka Itoobiya Melaku Fenta ayaa Saraakiisha Ciidanka faray inay joojiyaan sugida amniga, isla markaana laga hortego wax kasta oo keeni kara amniga iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Melaku Fenta Taliye ku-xigeenka Booliska Federaalka ayaa shacabka kunool deegaanada Soomaalida ee dowlad deegaanka ka dalbaday inay la shaqeeyaan Ciidanka amniga, sidoo kalena la joojiyo dagaalada mararka qaarkood dhaca.

SOMALI NEWS

To Top