WARARKA SOOMAALI

Dowladda Qadar oo dhex dhexaadinaysa Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab..

Dowladda Qadar ayaa markii ugu horeysay Shaacisay in ay doonayso in ay wadahadal siiso dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar Maxamed Bin C/Raxmaan Al-Thani ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay codsi u dirtay dowladda Qadar ,kaasoo ku aadan in ay wadahadalsiiso dowladda Qadar Shabaab iyo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in Wadahadallada u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya ay furmayaan dhamaadka Bishaan.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Qadar ay Aqbashay arintaasi , islamarkaana dhawaan ay Shabaab iyo dowladda ka dhex bilaabi doonto wada hadal.

Hadalka kasoo baxay dowladda Qadar ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Madaxda ugu sarsareysa dalka ay gaareen dalka Qadar.

SOMALI NEWS

To Top