WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Xildhibaankii ka soo horjeestay Ahmed Madoobe oo xilkii laga xayuubshey iyo sababtii uu ku waayay xilkiisa-Video

Xildhibaan C/qaadir Ibraahim Cali iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhowaan dhaliil u jeediyay maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Shir jaraa’id oo ay labada Xildhibaan ku qabteen todobaadkii hore magaalada Muqdisho ayay kaga hadleen xaalada dhabta ah ee ka jirta Jubbaland, iyagoo caddeeyay in nidaam caddaalad darro, kali talisnimo iyo caburin uu Maamulka Axmed Madoobe ku haayo dadka degan Kismaayo.

Hadaladan kulul ee labada Xildhibaan kaga soo horjeesteen Maamulka Axmed Madoobe ayay ugu dambeyn sababsadeen inay ku waayaan xubinimadooda Baarlamaanka Jubbaland, kaddib markii shalay uu Baarlamaanka Jubbaland xil ka qaadis ku sameeyay.

Xildhibaan C/qaadir Ibraahim Cali ayaa daboolka ka qaaday in Maamulka Jubbaland uu noqday mid aan baahin oo ku soo koobmay xuduudaha Kismaayo, isagoo cadeeyay in maamulka ku sifoobay, musuq maasuq, eex iyo qabyaalad.

Waxaa uu sheegay ciidamo ku beel ah Axmed Madoobe uu si gaar ah ugu adeegsado dadka reer Jubbaland, isla markaana caburiya, waxaa uu tilmaamay in aanay jirin cid ka hor imaan karta.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Baarlamaanka Jubbaland oo horay u doortay Axmed Madoobe uu noqday baarlamaan uu u taliyo, xildhibaan ka hor imaan kara ama la xisaabtami karana jirin, waxaa uu xusay in Xildhibaanada ay noqdene kuwo aragti beeleed la aamusan iyo kuwa la cabsi geliyo.

Waa markii u horeysay ee Baarlamaan Goboleed uu xil ka qaadis ku sameeyo Xildhibaano, waxaana arrintan ay tahay mid ku cusub siyaasada, maadaama la og yahay in xildhibaan aan xildhibaan kale xil ka qaadi karin, isla markaana xildhibaanka ay soo doortaan beeshiisa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

 

SOMALI NEWS

To Top