WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo ku dhawaaqday in gebi ahaan la joojiyay Banaanbax

Sii-hayaha Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimacaale ayaa ka hadlay xaaladda amni ee dalka, Cudurka COVID-19 iyo banaanbaxa ay mar labaad ku dhawaaqeen Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Wasiirka amniga oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaradda Warfaafinta ayaa waxaa marka hore sheegay in la qabtay Nin Maanta watay Qaraxii ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, uuna ku dhaawacmay hal Sarkaal.

Waxaa uu sheegay in Ninka markii hore uu doonayay inuu shacabka isku qarxiyo, balse uu tuuray Jaakadii qaraxa, uuna isku dayay inuu baxso, hayeeshee markii dambe Ciidanka dowladda qabteen, isagoo xusay in arrintaas ay tahay mid cusub.

Sidoo kale Wasiirka amniga Xukuumadda Xasan Xundubey ayaa si Cad u sheegay in la joojiyay banaanbaxyada Muqdisho ha ahaado mid lagu taageerayo dowladda ama mid Mucaarad ah, sababo la xiriira faafida Cudurka COVID-19 iyo khatar amni.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka amniga ayuu tilmaamay in marnaba dowladda Federaalka aysan aqbali doonin wax banaanbax ah oo ka dhaca Muqdisho, isla markaana la joojiyay dhammaada wax kasta oo isugu imaatin ah xiligaan adeg.

Hadalkan Sii-hayaha Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo mar labaad Musharaxiinta Madaxweynaha ku dhawaaqeen in Jimcada soo socota la qaban doona Banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo iyo dowladda, kaasi oo ka dhici doona taalada Daljirka daah-soon.

SOMALI NEWS

To Top