WARARKA SOOMAALI

Mid kamid ah Wasiirada Xukuumadda Rooble oo laga helay COVID-19

Sii-hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan dalka Burundi ayaa laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay Telefashinka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in laga helay COVID-19, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay, wuuxuna xusay in karantiil lagu geliyay Hotel ku yaalla Burundi.

Cudurka ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda sheegay inuu ka qaaday Magaalada Muqdisho oo markii horey ka baxay, isagoo tilmaamay in Cudurka uu siweyn ugu faafay gudaha Caasimadda dalka.

”Waxaan hadda ku suganahay dalka Burundi oo aan u imid shir, maalintii 8-aad waxaan ku jiraa Karaantiil Maxaa yeelay waxaa igu soo dhacay oo aan ka soo qaaday Xamar cudurka Covid-19, qiyaas bal inta Soomaali ee Xamar maalmahaan ugu dhintay ama la il daran  Cudurka” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Maxamed C/risaaq Maxamuud ayaa inuu dalka Burundi u tagay ka qeyb galka shir looga hadlaayay Arrimaha Cudurka COVID-19 oo lagu casuumay dowladda Federaalka Soomaaliya, balse laga helay markii uu halkaas tagay Cudurka halista ah COVID-19.

SOMALI NEWS

To Top