WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo Baaq Deg-deg ah u dirtay Dowladda iyo M/Goboleedyada

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqday inay shir deg deg ah isugu yimaadan, si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo heshiiskii Guddiga Farsamada ku gaareen magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in Madaxda joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah.

“Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo” ayaa lagu yiri Qoraalka..

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa intaas kusii dartay “Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas”

Wakiilada Beesha Caalamka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

SOMALI NEWS

To Top