WARARKA SOOMAALI

Diyaarad dagaal laga leeyahay Dalka Qatar ayaa halis galisay Diyaarad rakaab sida oo laga leeyahay Dalka imaaraadka-Akhriso

Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeeyay Qatar in diyaaradooda dagaalka ay halis geliyeen diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 86 ruux hawada dalka Baxreyn.

Wakaalada wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in diyaarada dagaal ee Qatar ay ay Halis amni gelisay bedqabka diyaarada rakaabka aheyd.

Maamulka duulimaadka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in arrintan ay dacwad ka gudbinayaan.

Arrintan ayaa sii xoojineysa xiisada diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeysa ee ka tirsan gacanka Khaliijka.

Dowladda Qatar ayaa horay dacwad ka dhan ah Imaaraadka carabta u gudbisay qaramada Midoobey, iyadoo ku eedeysay inay soo xadgudubtay hawada dalkeeda.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa horay xiriirka ugu jaray Qatar, iyadoo ku soo rogay xayiraado, isla markaana ka xirtay Hawada, Badda iyo Barigaba.

SOMALI NEWS

To Top