WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ra’iisul wasaare Khayre oo Qadar ku canaantay dhismaha wadooyinka Muqdisho Afgooye iyo Jowhar isku xidha-Video

Ra’isalwasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dhismaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye uu billaabanayo Bisha soo socota ee May.

Dhismayaasha Waddooyinkan waxaa horay u ballan qaadday Dowladda Qadar oo sheegtay in lacag dhan $200 Milyan ay ku bixineyso Mashaariicda dhismaha waddooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar.

Ra’isalwasaaraha waxaa uu maanta ka hadlayay kulan lagu magacaabay daahfurka tirakoobka shaqaalaha Rayidka ee dowladda Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in dowladd ay la dagaallameyso musuq maasuqa,isaga oo sidoo kale xusay in ay muhiim tahay in Canshuurta laga qaado shacabka aysan ku bixinin dowladda dad aan dowladda u shaqeyn.

Dhinaca kale munaasibadda maanta ee lagu daah furayay mashruuca tirakoobka shaqaalaha ayuu Ra’isalwasaarah magaca uga beddelay dadka ka fariista shaqooyinka dowladda ee howlgabka loo yaqaan waxaana uu u bixiyay Abaalgurte.

SOMALI NEWS

To Top