WARARKA SOOMAALI

Daawo:-imaaraadka oo alaabtiisa ka raranaya Muqdisho iyo Markab taagan Dekedda Muqdisho-Video

Imaaraadka Carabta ayaa alaabtiisa ka raranaya magaalada Muqdisho, iyadoo Markab taagan Dekeda Muqdisho lagu daabulayo agabyo u badan kunteenaro, gaadiidka caadiga iyo kuwa qafilan ee ciidamada.

Goobjoogayaal ku sugan Dekeda Muqdisho ayaa sheegaya in daabulida agabka Imaaraadka Carabta ka raranayaan Muqdisho ay bilaabatay wixii ka dambeeyay salaadii duhur, iyadoo la filayo illaa galabta la soo gabagabeeyo.

Markabka taagan Dekeda oo todobaadkii hore soo xirtay ayaa lagu magacaabaa Jabel Ali 7, waxaa qalabka la daabulayo wehliya baabuur ay isticmaalayeen Saraakiisha Imaaraadka Carabta ee ku sugnaa Dugsigii Tababarka Jen. Gordon.

Inta badan alaabaha lagu daabulayo ayaa ah qalabkii yaallay Dugsiga Tababarka Jen. Gordon oo maalmo ka hor laga soo raray, iyadoo Imaaraadka si rasmi ah u joojiyay howshii Tababarka iyo taageerida Ciidamada.

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa shalay si rasmi ugu dhawaaqay inay la wareegeen Ciidamadii ku sugnaa xerada, loona bixiyay magac cusub oo ah Guuto Daljir oo ka mid ah Taliska ciidanka xoogga dalka, ciidamadan ayaa mushaarkooda iyo mas’uuliyadeeda waxaa qaaday dowladda Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa ku leh magaalada Muqdisho oo ku taalla dhismo weyn oo degmada C/casiis ku yaalla, gaar ahaan agagaarka Xeebta Liido.

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL HORE

SOMALI NEWS

To Top