WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadda Soomaaliya oo fariin adag u diray imaaraadka“ Hadduu imaaraadku baxay, annagu imaaraad ma nihin,,-Video

Dawladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay si rasmiya ula wareegtay Xeradii iyo Ciidamadii Dawladda Imaaraadku ay Tababari jirtay, Iyadoona Qaar kamid ah Ciidamadan oo ka tirsan Xooga dalka ay muujiyeen Dareenkooda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mid kamid ah Ciidamada ayaa Fariin adag u diray Shacabka Soomaaliyeed Wuxuuna yidhi Isagoo roobku ku da’ayo. “ Hadduu Imaaraadku baxay, annagu Imaaraad ma nihin, waxaanu nahay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Waxaanu u shaqaynaynaa dalkeena iyo Dadkeena”.

Sidoo kale Ciidamada oo uu booqasho ugu yimid Taliyaha Ciidamada Xooga Dalku ayaa Halkaasi ka qaaday Heesta Soomaaliyeey Toos.

SOMALI NEWS

To Top